Dowladda Soomaaliya oo mar kale ku celisay in shirka wadatashiga uu ka dhacayo Garowe

781

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay in shirka wadatashiga ah ee loo madalsan yahay uu ka dhici doono magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, waxaana horay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay ugu baaqeen shirka lagu qabto magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa sheegay in shirkaasi uu ka dhici doono Garoowe, ayna diyaar u tahay dowladda Soomaaliya, iyadoo xoogga saari doonta sidii shirkaasi u qabsoomi lahaa, Wasiir Dubbe wuxuu sheegay dowladda federalka in ay ka go’an tahay in ay qabato doorashooyin loo dhan yahay, taasi oo dhammaan  dhinacyada ka qayb galaya ay wada oggol ku yihiin.

Waxaa uu sheegay in Garoowe ay tahay magaalo Nabadeed, oo marti-soor ah sidaas daraadeedana uu shirku ka qabsoomayo, iyada oo horay dhowr jeer shir ka la mid ah uu uga dhacay magaalada Garoowe.

Horay Maamulka Puntland ayaa soo dhaweeyay shirka wadatashiga ee ay isugu imaanayaan Madaxda dowladda iyo Dowladaha xubnaha ka ah,  waxaana ay sheegeen in aan lagala tashan, islamarkaana waxaa ay ku baaqeen in shirkaas lagu qabto magaalada Magaalada Muqdisho.