Booliska Soomaaliya oo digniin cusub u diray ganacsatada

1414

Taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jan. Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu uga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda dalka.
Jan. Bariise ayaa uga digay in ganacsatada Soomaaliyeed ay kordhiyaan ascaarta maciishada daruuriga ah iyo badeecadaha laga keeno dalka dibadiisa.
Waxa uu sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay ganacsatada kor u qaadayeen badeecadaha kala duwan ee dalka gudihiisa taala, isagoona tilmaamay in haddii aanay ganacsatada ka waantoobin tallaabooyinkaasi sharciga lala tiigsanayo.
“Ganacsatada Soomaaliyeed waa inay u dhimriyaan shacabka oo ayna uga faa’iideysan duruufaha adag ee dalka ka jira” ayuu yiri Jan. Bariise oo hoosta ka xariiqay in cudurka Crona dartiis aan culeys hor leh saarin shacabka danyarta ah.
Dhinaca kale digniinta Taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha Jan. Bariise ayaa sheegay in dowladdu dadaallo kala duwan ku bixineyso sidii looga hortegi lahaa khatarta caafimaad ee shacabka xilli cudurka COVID19 adduunka ku hayo fara ba’an.