Duqeymo ka dhacay Jubbooyinka

1642

Wararka ka imaanaya degmooyinka Jilib iyo Jamaame oo dhaca koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeymo lagu dilay saraakiil sare oo  ka tirsan Al shabaab.

Duqeynta oo ka dhacdey Degmada Jilib ayaa lagu soo waramayaa in lagu Diley hoggaamiyihii Degmada Jilib Sheekh Abuu Basma iyo saraakiil ka tirsan Alshabaab .

Saraakiisha Al-shabaab ee lagu dilay duqeynta ayaa la sheegay in uu shir uga socday goobta lagu duqeeyay.

Saraakiil  ka gaabsadey magacyadooda ayaa sheegey in ay 12 sarkaal iyo hogaamiyihii  degmada Jilib oo goob kuwada sugnaa lagu dilay duqeynta, waxaana uu intaa ku darey in howlgalku fuliyeen kumaandooska Soomaaliya oo kaashanayey mid kamid ah saaxiibada soomaaliya.

Gobolka Jubada hoose Degmada Jamaame ayaa lagu soo waramayaa in la duqeeyay xarun Al shabaab ay ku leeyihiin degmadaas.

Dowladda soomaaliya ayaa kordhisay duqeymaha ay la beegsanayso xaruumaha Al shabaab.