FADEEXAD CUSUB: Sirdoonka Itoobiya oo qabtay Konteenaro hub lagu raray  

1251

Hay’adda sirdoonka Itoobiya ayaa sheegay inay qabteen konteenaro lagu soo raray hub noocyo kala duwan ah, kaasi oo laga dejiyay magaalada Addis Ababa isla markaana laga keenay dalka Jabuuti.

Sirdoonka Itoobiya ayaa sheegay in laba konteenar oo ku cabeysan hub isugu jira Bastoolado, qoryaha darandooriga u dhaca, Bambooyin iyo agab kale ay ka dejiyeen badeecad laga soo dejiyay dekedaha dalka Jabuuti, iyagoona sheegay inay weli socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku saabsan cida iska lahayd iyo kooxihii ka dambeeyay in hub sharci darro ah la geliyo gudaha wadanka Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in labada Konteenar muddo ka badan 5-bil ay yaaleen mid ka mid ah dekedaha dalka Jabuuti oo inta badan ay badeecado uga soo degaan ganacsatada iyo shirkadaha laga leeyahay dalka Itoobiya, iyadoo ciidamada sirdoonka dalkaasina ay sheegeen inay ku raad joogaan ilaa shan xubnood oo ka mid ah kooxihii mas’uulka ahaa hubkaasi Konteenarada lagu soo raray.

Abubakar Xadi oo ah madaxa shirkadda maraakiibta dalka Jabuuti ayaa BBC-da u sheegay inaysan waxba kala socon macluumaadka Konteenarada hubka sida ee Itoobiya la geliyay, hase yeeshee waxa uu ku gaabsaday inay socdaan baaritaano arrintaasi ku saabsan isla markaana madaxda howlaha Maraakiibta labada dal ay ka qeyb qaadanayaan sidii loo heli lahaa xogta ku saabsan Konteenaradaasi.

“Madaxa howlaha Maraakiibta Itoobiya markii aan weydiistay inuu ii soo diro lambarada Konteenarada hubka sida ee Jabuuti laga dejiyay wuu iga aqbalay waana ka sugayaa” ayuu yiri Abubakar Xadi oo sheegay in dekedaha Jabuuti ay yaalaan muddo tobanaan sano ah Konteenaro ay ku jiraan badeecado kala duwan.

Waa fadeexaddii ugu weyneyd mugdi gelineysa xiriirkii soo jireenka ahaa u dhaxeeyay dalalka deriska ah ee Jabuuti iyo Itoobiya, iyadoo tan iyo markii xilka Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya loo doortay Aby Ahmed sii kordhayeen shaqaaqooyin gilgilay, kaasi oo u dhaxeeya qowmiyadaha dalkaasi inkasta oo ciidamada Milateriga dalkaasi cagta mariyeen saldhigyadii ugu waaweynaa ee laga abaabulayay xasilooni darrida.