Madaxweynaha Galmudug oo deg deg ku tegay degaan lagala wareegay Al-Shabaab

1634

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) oo maalmahaan lu sugnaa Magaalada Gaallacyo ayaa safar deg deg ah ku tegay furimaha dagaalka, gaar ahaan aaga deegaanka qaycad ee Gobolka Mudug, halkaas oo saaka ay la wareegeen Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug.

Madaxweyne (Qoor Qoor) oo la sheegay in uu lahaa Amarka howlgallada ay wadaan Ciidamada ayaa halkaasi u tegay dhiirigelinta Ciidamada iyo sidii loo wadi lahaa howlgalla ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu kulan la leeyahay Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada, isaga oo kala hadlaya sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada si ay ula wareegaan degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, halkaas oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxaa la filayaa in uu booqdo degaannada kale ee Gobolka Mudug, halkaas oo Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay ka wadaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.