Gaas oo ka digay ‘qorshe ay damacsan tahay’ DF Somalia

1140

Waxaa sii badanayo cabsida ay Xubnaha mucaaradka ah ka qabaan waqti kororsi ay dooneyso Dowladda Soomaaliya halkii doorashada lagu qaban lahaa waqtigeeda.

Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya, sidoo kalana soo noqday Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay rajada laga qabo inay dalka ka dhacdo Doorasho waqtigeeda ku timaado.

Cabdiweli Gaas ayaa Dowladda Soomaaliya ku dhaliilay inaysan diyaar u aheyn qabashada Doorashada isla markaasna aysan socon dadaalo lagu wajahayo doorasho maadaama uu sheegay inuu waqtiga yahay gabaabsi.

“Waxa la wada dhowrayo waa in ay qabsoomto doorasho, dabcan waa waqtiga oo socda iyo dadaalada aan muuqan waxa ay shaki gelineysaa in ay dhacdo doorasho ama lagu qabto waqtigeeda” ayuu yiri Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inaysan marnaba aqbalin waqto kororsi iyo dib u dhac lagu sameeyo doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo 2021.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawr jeer lagu eedeeyey inay qorsheeneyso waqti kororsi halkii laga filayey inay dalka gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah.

Inkastoo ay sii badaneyso cabsida ay qabaan xubnaha mucaaradka, haddana Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu sheegay xili uu saxiixay sharciga Doorashooyinka in dalka uu galay doorasho.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo a ayaa sheegay in doorashada 2020-2021 aysan dib uga dhici doonin xiligeeda.