Axmed Meyre: “Guryaha aad degan tihiin haddii la tago wasaqaa dhooban”

2191

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe Axmed Meyre Makaraan oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa canaan kala dul dhacay shacabka magaalada Muqdisho oo nolosha ku uray, isagoo sheegay inaysan xil weyn iska saarin nadaafadda.

Axmed Meyre Makaraan oo gubaabinayay kulan loogu dabaal degayay maalinta dhallinyarada, wuxuuna sheegay in qof kasta marka uu gurigiisa ka soo baxayo aanu soo bixin isagoo wejiga dhaqan.

“Guriga laftigiisa weji dhaq ayuu u baahan yahay, qof walba guriga ku dhegan haddii ay hagaajiso intaas ayay magaalada ku hagaageysaa” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe oo sheegay arrintaasi inay u istaagaan dhallinyarada.

Axmed Meyre Makaraan oo degan magaalada Muqdisho ayaa ku booriyay dhallinyarada gobolka Banaadir inay qaadaan olole lagu xoojinayo bilicda caasimada, wuxuuna shacabka ka dalbaday inay xil iska saaraan nadaafadda gurigooda oo uu sheegay in haddii taas la helo magaalada oo dhan nadiif noqoneyso.