Guddoomiye Birta: “Diyaar garow xoog leh ayaan ugu jirnaa sidii aan uga qeyb geli laheen tartamada caalamiga ah”

2020

Guddoomiyaha xiriirka baaskiilada Soomaaliya (Somali Cyling Union) Axmed Maxamed Xasan (Birta) ayaa markii ugu horeysay ka warbixiyay qorsheyaasha xiriirka u dejiyay sanadkan cusub ee 2020-ka kaasi oo durba bilowday isla markaana uu sare ugu qaadayo tayada ciyaartoyda Soomaaliya uga qeyb galeysa tartamada Baaskiilada ee ka dhacaya dalalka caalamka.

“Diyaar garow xoog leh ayaan ugu jirnaa sidii aan uga qeyb geli laheen tartamada caalamiga ah ee sanadkaan gudihiisa dhacaya” ayuu yiri Guddoomiyaha xiriirka Baaskiilada Soomaaliya oo sheegay in horaanta bishii Febraayo ee sanadkaan dalka Itoobiya tababar ugu diray ciyaartoy ka badan 10-qof oo isugu jira rag iyo dumar.

Ururka Baaskiilada adduunka ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano UCI oo hirgeliyay tababarka ciyaartoyda Baaskiilada Soomaaliya, ayuu yiri Guddoomiye Birta inuu uga mahad celinayo doorka ay ka qaadanayaan horumarinta ciyaartoyda uu u soo xulay aqoon kororsigaasi, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay jiraan dadaallo xiriirka Baaskiilada Soomaaliya ugu jiro in sare loogu qaado ciyaartoyda Baaskiilada dalka.

Sidoo kale 3-dii bisha Maarso ayuu sheegay guddoomiye Birta in ciyaartoy uu diray xiriirka Baaskiilada ay dalka Itoobiya uga qeyb galeen tartan heer qaaradeed ahaa oo ka dhacayay magaalada Addis Ababa, isagoona sheegay in guul la taaban karo ka soo hooyeen.

“Rajo wanaagsan ayaan ka qabaa in tartamada caalamiga ah ee Baaskiilada ciyaartoydeena ka soo hooyaan guulo taariikhi ah” ayuu yiri Axmed Maxamed Xasan oo sheegay inay Soomaaliya leedahay ciyaartoy ka tayo wanaagsan dalal ka mid ah qaaradda Afrika.

Dhinaca kale Xiriirka Baaskiilada Soomaaliya oo ka mid ah xiriirada Isboortiga Soomaaliya ayaa horraantii sanadkan cusub ee 2020-ka wuxuu bilaabay inuu dib u habeyn ku sameeyo ciyaartoyda Baaskiilada ee ku sugan Muqdisho iyo gobolada dalka, iyadoo ciyaartoyga lagu soo xulayo aqoontiisa, xirfadda iyo kartida uu u leeyahay mihnadiisa Isboorti.

Dhaqdhaqaaqa Xiriirka Baaskiilada Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan la filayo in la soo gabagabeeyo dayactir in muddo ah ka socday xarunta weyn ee Stadium Muqdisho oo lagu dhisayay ololaha Isxilqaan ee uu horay ugu dhawaaqay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) kaasi oo qeyb ka ah dib u dayactir lagu sameynayo xarumaha dowladda iyo goobaha muhiimka u ah bulshada.