Ciyaaryahan Soomaali ah oo cudurka Corona Virus ugu geeriyooday London

2168

Magaalada London ee boqortooyada dalka Ingiriiska ayaa waxaa iyana ku geeriyooday ciyaaryahan C/qaadir Maxamed Faarax Biriq kaasi oo caan ku ahaa ciyaaraha Kubadda Cagta Soomaaliya isla markaana u geeriyooday caabuqa Corona Virus, iyadoo tirada guud Soomaalida qurbaha ee cudurkaasi soo ritay gaareyso ilaa 7-ruux. Waxaana laga cabsi qabaa in tirada intaasi ka sii badato.

Dalalka dhaca qaaradda Yurub uu si saf mar ah ugu faafayo cudurka Covid-19 ayaa waxaa markii ugu horeysay meel ka baxsan dalkooda ugu geeriyooday dad Soomaali ah xilli dhowaan Muqdisho laga helay qofkii ugu horeeyay ee cudurkaas laga helay.

Magaalada Stockholm ee wadanka Sweden ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen ilaa 6-qof oo Soomaali ah kuwaasi oo ka mid noqday 15-ruux kuwaasi oo isugu jira dad da’ ah, rag iyo haween isla markaana qaarkood ay hayeen cudurro kale.

Weriye C/raxmaan Maxamed Xasan Xudeyfi oo u waramayay VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in jaaliyadda Soomaalida degan dalkaasi si weyn uga naxeen, inkastoo uu tilmaamay in dowladda dalkaasi iyo bulshada qeybaheeda kala duwan dadaal xoogan gelinayaan kahortagga faafitaanka cudurka Covid-19.

Dhinaca kale guud ahaan dalka Sweden tirada cudurka Corona Virus ugu geeriyootay ayaa gaareysa in ka badan 2000-qof, wuxuuna weriye C/raxmaan Xudeyfi sheegay in welwelka ugu weyn ee heysta Soomaalida ku dhaqan dalkaasi uu yahay inaysan aasi karin qofkooda cudurkaasi u geeriyooda.