Guddoomiye ku xigeenka degmada wanlaweyn oo xalay lagu dilay weerar qorsheysnaa

1132

Wararkii ugu dambeeyay ee naga xaaladda degmada Wanlaweyn oo ka tirsan gobolka shabeellàha inay saaka degan tahay kaddib markii xalay halkaasi uu ka dhacay weerar lagu qaaday guriga guddoomiye ku xigeenka degmadaasi

Allaha u naxariistee Maxamed Cabdullahi Koosto oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii degmada Wanlaweyn ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo soo gaaray, iyadoo dhaawac soo gaaray aabihii iyo xaaskiisa lana geeyay goobaha caafimaadka degmadaasi.

Weerarka oo ku bilowday is rasaaseyn dhex martay ilaalada guddoomiye ku xigeenka iyo kooxaha weerarka soo qaaday ayaa markii dambe hakaday kaddib markii ay goobtaasi gaareèn ciidamada ammaanka.

Ilaa iyo iminka ma jirto cid sheegatay inay iyadu ka dambeysay weerarkaasi, inkasta oo degmadaasi dagaalo ku dhex maraan Al-shabaab iyo maamulka degmadaasi.

Saraakiisha Booliska oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay bilaabeen howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii falkaasi ka dambeeyay, iyagoona hoosta ka xariiqay inay ka dambeeyeen fidno wadayaal ah.