Soomaaliya oo loo doortay Xubin muhiim ka ah UN-ka

1311

Soomaaliya ayaa loo doortay Madaxweyne ku-xigeenka Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay muda  xilleedka 75-aad ee 2020/201.

Abuukar Cusmaan Baalle oo ah safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa xilkaas loo doortay sida lagu shaaciyay bogga rasmiga ah ee ay Safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalka Mareykanka.

Tallaabadan ayaa muujineysa doorka fir fircoon oo ay Soomaaliya ka gaartay arrimaha siyaasadda caalamiga ah iyo diblomaasiyadda.

Horey waxaa xilkan Soomaaliya u soo qabtay

  1. 1963-64 Dr Xasan Nuur Cilmi
  2. 1979-1980 Cabdirisaaq Xaaji Xuseen/ Axmed M. Aadan “Qeybe” iyo
  3. 1986-87 Cabdullaahi S. Cismaan

Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa danjire Abuukar kala hadlay aaladda Zoom-ka, wuxuuna madaxweynuhu tallaabadani ku tilmaamay guul u soo hoyatay guud dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.