Guddoomiyihii Ururka Naafada Koonfur Galbeed oo la dilay

1153

Alle ha u naxariistee waxaa xalay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu dilay Guddoomiyihii Ururka Naafada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo lagu Magacaabi jiray Shariif Mukhtaar Jiis.

Dad ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in rag ku hubeysnaa Bustoolado ay mas’uulka ugu tageen Hooygiisa oo ku dhex yaalla Xero barakac oo ku taalla Magaalada Baydhabo,isla markaana dhowr xabadood ku dhufteen, iyaga oo goobta ka baxsaday.

Guddoomiyihii Ururka Naafada Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed  Shariif Mukhtaar Jiis oo kamid ah dadka baahiyaha gaarka qaba ayaa waxaa mas’uuliyin ka tirsan Koonfur ay sheegeen in Bartamihii Sanadkii 2018 Kooxo hubeysan ay dhaawaceen,hayeeshee uu ka caafimaaday.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Xasan Cabdi Maxamed (Ugaas Xasan ) ayaa uga tacsiyadeeyay eheladiisa Guddoomiyihii Ururka Naafada ee xalay la dilay, isaga oo sheegay in maalin ka hor ay wada kulmeen,isla markaana dilkiisa uu aad uga naxay.

Magaalada Baydhabo iyo magaalooyin kale ee dalka ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilalka loo geysto mas’uuliyiinta iyo askarta ka tirsan dowladda iyo dadka wada-shaqeynta la leh dowladda Soomaaliya.