Rag loo heysto kufsi oo la soo taagay maxkamadda gobolka Nugaal

8123

Maxamada darajada kowaad ee Gobolka Nugaal ayaa saakay la soo taagay rag loo heysto kufsi ay geysteen sanadkii hore, kaasi oo ay ku geeriyootay gabadh lagu magacaabo Hodon Shanleyste, waxaana maxkamadda ku sugan ehelada gabadha iyo ragga eedeysanayaasha ah.

Dhageysiga dacwadda maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal oo dhowr goor dib u dhacday ayaa ku eedeysan 7-nin oo kiiskaasi ku lug yeeshay, inkastoo aan weli si rasmi loo shaacin inay iyagu yihiin dembiilayaasha rasmiga ah oo aanay maxkamaddu caddeynin.

Allaha u naxariistee Hodon Shanleyste ayay maxkamaddu caddeysay in la kufsaday xilli duhur ah iyadoo joogta gurigeeda, isla markaana raggii kufsaday ay bac madaxa uga xireen taasi oo sababtay inay u geeriyooto kaddib markii ay ku neef qabatowday.

Dhinaca kale eedeysanayaasha kiiskan kufsiga ah oo aan heysan qareen u dooda ayaa sababtay in dhowr goor dib u dhac ku yimaado dhageysiga dacwadda, waana kiiskii labaad ee ka dhaca gobolada Bari ee uu ka arrimiyo maamulka Puntland, iyadoo horay xukunno kala duwan lagu riday rag kufsaday kaddibna dilay gabadh da’yar oo lagu magacaabo Caaisha.