Jaamacadda Carabta oo walaac ka muujisay xaaladda Soomaaliya

1537

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya iyo is marin waaga ka jira doorashada dalka ka dhaceysa, xili uu dhammaaday muddo xileedkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Jaamacadda Carabta ayaa waxaa lagu sheegay inay si dhow u socdaan xaaladd Soomaaliya, iyagoona sheegay in muhiim ay tahay in xal buuxa laga gaaro khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada 2021.

Ururka Jaamacadda Carabrta ayaa dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ugu baaqay inay si deg deg ah u yeeshaan wada-hadal oo lagu xaliyo is marin waaga ka jira doorashada, sidoo kalena wada-hadalka noqdaan kuwo mira dhala.

Sidoo kale waxaa ay caddeeyeen in marxalada kala guurka ah ee lagu jiro haatan looga bixi karo oo kaliya si nabad ah, isla markaana la qato doorasho heshiis lagu wada yahay oo ay ka qeyb galaan dhammaan saamileyda siyaasadeed ee dalka.

“Hogaamiyeyaasha Soomaalida waa in ay sidda ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan u kulmaan si ay waddanka uga gudbiyaan isgoyskan qaan nabdoon,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka kasoo baxay Jaamacadda Carabta.

Beesha Caalamka ayaa haatan wada dadaalo kala duwan oo lagu xalinayo khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada dalka SOomaaliya ka dhaceysa, waxaana iska soo daba dhacaya baaqyo kala duwan oo loo dirayo Madaxda Soomaalida inay isugu yimaadaan miiska wadahadalka.