Nabadoono ka badbaaday qarax lagula eegtay Muqdisho

993

Jugta qarax xoogan ayaa Goordhow laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay qeyb kamid ah Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho, sida la xaqiijiyay.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan oo ay saarnaayeen Nabadoon Muxudiin Xasan Afrax iyo Xuseen Caraale oo horey uga tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in qaraxaas uu qbasaday gaariga xili ay marayeen Isgoyska Beexaani ee degmada Shibis, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 5 Askari oo ilaalo u aheyd Nabadoon Muxudiin Xasan Afrax ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka  dad kale oo shacab ahaa ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kuwaasi oo goobta ka agdhawaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si deg deg ah u gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inuu qaraxaas ka badbaaday Imaam Maxamed Yuusuf oo kamid ahaa xubnihii gaariga qaraxu qabsaday saarnaa.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa Ciidanka Booliska dowladda Federaalka xireen, iyagoona dadka iyo gaadiidka noocyadiisa kala duwan u diidaya inay halkaas maraan, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amniga dowladda.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii ugu dambeeyay kusoo badnayay qaraxyada miinooyinka ee dhulka lagu aaso, kuwaasi oo geystay khasaarooyin isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, waxaana qaraxii ugu dambeeyay ee miino ah lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka deegaanka Garasbeeley.