Jubbaland oo sheegtay in ay la wareegeen gacan ku haynta Beledxaawo.

811

Madaxweyne ku xigeenka  dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa guulo ka sheegtay dagaal  saakay ka socda  ciidamada dowladda ee ay geysay Gedo iyo ciidamo uu hoggaaminaya  wasiirka amniga Jubbanad Cabdi rashiid Janaan.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay la wareegeen xaruunta degmada iyo saldhiga booliiska degmadaasi isla markaana illaa hadda uu dagaalki socdo.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in iyadu ka dambeysay dagaalka isla markaasna ay weerarka ku soo qaaaday ciidamada Jubbaland.

Dhinaca kale War-saxafadeed deg deg Ah o Ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay  in Jabhaddii hubeysan oo soo hubaysay Dowladda Kenya ay   weerartay Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmada Beled Xaawo..

Wararkii u dambeeyey ayaa sheegaya in madaafiic laga soo ridayo dhanka Mandheera ay kusoo dhacayso gudaha magaaladaas.