Ciidamada NISA oo dekedda Muqdisho ku qabtay xubin Al-Shabaab ka tirsan iyo hub uu watay

1337

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee ka tirsan Hay’adda NISA ayaa howlgal qorsheysan waxay ka fuliyeen afaafka hore ee gudaha dekedda Muqdisho.

Sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugan halka uu ka socday howlgalka ciidamada NISA oo ahayd iridda laga galo wakaaladda Muuska waxay ka soo qabteen nin la shaqeynayay ururka Al-Shabaab, kaasi oo ku sugnaa Kontenar halkaasi yaalay.

Ninkaan oo darajadiisu ahayd Kabtan ka tirsan ciidamada Booliska ayay sheegeen ciidamada sirdoonka NISA inay baadi goobayeen muddo lix bilood ah.

Wararku waxay intaasi raacinayaan in ciidamada ay qabteen ninkaan oo ku sugnaa Kontenar yaalay irida hore ee xarunta Somali Fruit, waxayna halkaasi ka kaxeeyeen isagoo wata shaati nooca Boliska ah isla markaana hoos ka gashanaa maro.

Goob joogayaal ku sugan halka uu howlgalka ka dhacayay ayaa sheegay in ciidamada NISA baaritaan ay ku sameeyeen Kontenarkii uu ku hoyanayay ay heleen ilaa Lix Bastooladood iyo agab kale.

Shabakadda Maanta Online
Email: admin@maantaonline.com
Muqdisho – Soomaaliya