Soomaaliya oo diiday inay taageerto qaraar ku aadan Nile oo ka soo baxay Jamacada Carabta

1012

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa diiday in ay taageerto qaraar ka soo baxay Jaamacadda Carabta, kaas lagu xoojinayay mowqifka Masar ee ku aaddan biyo-xireenka ay Itoobiya ka waddo  webiga Nile.

Qaraarka kasoo baxay Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqay Itoobiya in ay dib u dhigto buuxinta biyo-xireenka, illaa inta ay arrintaas heshiis buuxa kala gaareyso dowladaha Masar iyo Sudan oo ka walaacsan.

Qaraarka ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada in ay ka fogaadaan qaadista ficillo sii xumeyn kara xaaladda, islamarkaana Addis Ababa aysan buuxin biyo-xireenka inta Heshiis laga gaarayo.

Qaraarka Jaamacadda Carabta oo ay soo gudbisay Masar islamarkaana ay ansixiyeen wasiirada arrimaha dibedda, marka laga reebo Soomaaliya iyo Jabuuti, ayaa waxaa lagu meel-mariyey shir ku qabsoomay Khadka Video-ga.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo hadal ka jeediyey shirka ayaa ku baaqay in saddexda dal ee ay xiisadda webiga ka dhexayso ay miiska wada-hadalka ku dhameeyaan khilaafkooda.

“Sida aan ognahay webiga Nile waxa uu nolol u yahay Masar iyo Sudan, wuxuu sidoo kale horumar u yahay dadka Ethiopia-da aan saaxiibka nahay, sidaas darteed waxaan ugu baaqeynaa Masar, Sudan iyo Ethiopia in ay xiisadda yareeyaan oo ay dhammaan arrimaha taagan ku xalliyaan miiska wada-hadalka”  ayuu yiri Cawad.

Cawad ayaa ku baaqay in la dhiso guddi ka kooban dalalka Sacuudiga, Cuman, Soomaaliya iyo Jabuuti oo xal u helo khilaafka ka dhaxeeya saddexda dal.

Ethiopia ayaa sheegtay inay bisha July billaabi doonto buuxinta biyo-xireenka. Masar ayaa rumeysan in haddii qaar ka mid ah biyaha Nile loo leexiyo biyo-xireenka ay yareyn doonto biyaha soo gaara, maadaama webiga uu yahay isha ay Masar ka hesho 90% biyaheeda.