DEGDEG: Shirka Mudulood oo maanta la soo gabagabeynayo

1363

Shirweynaha beesha Mudulood uga socday mudada saddexda maalin ah ayaa maanta la soo gabagabeynayaa, waxaana haatan socota khudbadaha ay jeedinayaan ka qeybgalyaasha shirka.

Shirkaan oo ka dhacay xarunta mu’asada Macallim Nuur ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka hadlay Khaliif Cabdulqaadir Macallim oo sheegay in beesha Muddulood oo ah qaran ay ka soo bixi doonaan go’aano ku ool ah.

Xubnaha shirka ka hadlay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) oo halkaasi ka sheegay guubaabo ku aadan in beesha Mudulood ay taladoodu ahaato mid ka tarjumeysa danta dalka.

“Haddii loo baahan yahay hoggaan umadeed ha ahaato dal ama dad, waxaa lagama maarmaan ah in lakala aragti duwanaado, iyadoo sidaa tahay ayaa haddana loo baahan yahay in lagu midoobo danta Guud” ayuu yiri Cumar Filish.

Waxa uu sheegay inuu rajeynayo gogosha Mudulood inay isku bedesho gogol Soomaaliyeed, isagoona hoosta xariiqay in damiirkiisu diiday ka maqnaanshiyaha dadka ay walaalaha yihiin.

Dhinaca kale madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo isagu ka qeyb galay furitaanka kulanka ayaa waxaa u cudur daaray Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoona halkaasi khudbado kala duwan ka jeediyeen madaxweynaha KGS C/casiis Laftagareen iyo xubno kale.