Turkiga oo diiwaangeliyay tiradii ugu badneyd ee Coronavirus

1952

Turkiga ayaa diiwaangeliyay 1,192 kiisaska coronavirus-ka ah Arbacadii, iyada oo tirada guud noqotay 201,098, sida ku cad shaxda ku daabacan barta Twitter-ka ee Wasiirka Caafimaadka Fahrettin Koca ee Turkiga.

Tirada dhimashada ayaa dhanka kale gaartay 5,150 iyada oo ay sii kordhaysay 24 saac ee la soo dhaafay.

Wadarta 175,422 qof ayaa dib u soo kabatay, sida ay sheegtay wasaaraddu, tan iyo markii uu bilowdey Covid-19 dalka Turkiga bartamihii bishii Maarso.

Tirada bukaannada daryeelka degdegga ah ayaa kordhay Sagaalkii bishii tagtay illaa 1,035-ruux, waxayna sare u kacday ilaa June 10-keedii, xilligaas oo tiradaasi ay ahayd 631-bukaan.

Wasaaradda Caafimaadka ee Turkiga ma aysan sheegin tirada guud ee isbitaallada la dhigo.
Sida ay muujisay wasaaradu natiijooyinka la qaaday ilaa iyo hadda ayaa laga keenay 3.4-Milyan tijaabooyin.