Madaxda maamul goboleedyada oo xalay kulan la qaatay midowga musharaxiinta Madaxweynaha

837

Hotelka Decale ee Magaalada Muqdisho waxaa xalay ka dhacay kulan gaar ah kula qaatay Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Kulanka oo saacado socday ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan iska marin waaga ka taagan doorashada dalka ka dhaceysa 2021 iyo go’aankii Xukuumadda ku dhawaaqday ee ahaa in la guda galayo hirgelinta doorashooyinka.

Inta uu socday kulanka ayaa dhinacyada waxaa dhexmaray dood adeg oo ku aadan doorashada iyo hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ee ahaa in Musharaxiinta iyo maamulada Jubbaland iyo Puntland uu Jawaab ka waayay waan-waantii uu ku doonayay in xaliyo tabashooyinka doorashada ka jira.

Musharaxiinta ayaa Madaxweyne Qoorqoor, Lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe u sheegay in aysan suura-gal aheyn in la qabto doorasho ay ka maqan yihiin maamulada Jubbaland iyo Puntland, isla markaana ugu baaqay inay la hadlaan maamuladaas, ayna soo magacaaban Guddiyada laga sugayo, sidoo kalena xal laga gaaro khilaafka taagan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa waxaa la sheegay in markii dambe uu qaatay Go’aan ah inuu isku dayo inuu xaliyo arrimaha cakiran iyo inuu raadiyo dhinacyada maqan.

Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ayaa ka dalbaday Midowga Musharaxiinta inay u soo gudbiyaan magacyada xubnaha Guddiyada doorashada lagu muransan yahay ee ay cabashada ka keeneen,  xili shalay musharax Daahir Geelle uu caddeeyay in aysan soo gudbin doono xubnaha cabashada ay ka keeneen.