Maraykanka oo qirtay duqayn uu ku dilay dad shacab ah oo ka dhacday Soomaaliya

1041

Mareykanka ayaa sheegay Isniintii in ay dileen labo qof oo rayid ah ayna ku dhaawacmeen saddex duqeyn cirka ah oo ka dhacday Soomaaliya horaantii sanadkii hore.

Dhimashada ayaa lagu xusay warbixin qiimeyn ah oo sedex biloodle ah oo ay sameysay AFRICOM oo ku saabsan duqeymaha loo geysto dadka rayidka ah ee la xiriiriyay howlgalada ka dhanka ah mintidiinta Soomaaliya, Libya iyo wadamada kale ee Afrika.

“Waxaa wax laga xumaado ah in laba qof oo rayid ah ladilay saddex kalena lagu dhaawacay weerar cirka ah oo dhacay Febraayo 2019. “Aad ayaan uga xunahay arintan,” Abaanduulaha ciidamada General Stephen Townsend, ayaa ku sheegay warbixinta.

Weerarka cirka ayaa lagu fuliyay agagaarka Kunyo Barrow ee gobolka shabeelaha Hoose ee Soomaaliya waxaana warbixinta lagu sheegay in bartilmaameedku ahaa labo xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo la dilay.

Waxay ahayd dhacdadii labaad ee la yaqaan ee ay AFRICOM qiratay inay dishay dadka rayidka ah ee ku nool Soomaaliya, halkaasoo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen inay muddo dheer Africom qarinaysay sirteeda.