Madaxda ugu sareeysa dalka oo u ambabaxay Jabuuti

1133

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka ambabaxay Magaalada muqdisho, iyaga oo kusii jeeda dalka Jabuuti.

Wafdiga ayaa waxaa kamid ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan goleyaasha dowladda, iyaga oo dalka Jabuuti kula kulmi doona Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliland.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa sidii soomaaliland oo aaminsan inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale loogu qancin lahaa inay kamid noqoto Maamulada hoosymaada dowladda Federaalka.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomin doona Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle,waxaana garwadeen ka ah Dowladaha Mareykanka, Jabuuti iyo Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.