Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo sheegay in shirka Mudulood ka qeyb galeen ergo ka socota Al-itixaan, digniin culusna u diray Al shabaab

1167

Shirweynaha beesha Mudulood ayaa galay maalintiisii labaad, kaasi oo la qorsheeyay inuu soconayo muddo saddex maalin ah lana filayo inay ka soo baxaan go’aano ku saabsan xaaladda iyo sidii ay uga gudbi caqabadaha beesha u gaarka ah.

In ka badan 900 qof oo shirka lagu casuumay ayaa waxaa ka mid ah siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka, culumaa’udiin iyo ergooyin isaga kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo ah guddoomiyaha xisbiga midnimada iyo cadaaladda ahna taliyaha Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay khudbad uu halkaasi ka jeediyay waxa uu si cad u sheegay in shirka ay ka soo qeyb galeen xubno ka tirsan urur diimeedka Al itixaad.

“Halkaan Al itixaad maynority ayay ka tahay anigana Ahlu sunna ayaan ka tirsanahay waxbana igama qaadi karaan” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo sheegay in beesha Muddulood looga baahan yahay sidii ay isaga xoreyn lahayd kuwa ka been sheegaya diinta Islaamka.

Waxa uu sheegay in ururka Al shabaab uu yahay cadowga koowaad oo loo baahan yahay sidii ay beesha Muddulood uga wada jeesan laheyd xoreynta degaanada ay ku sugan yihiin.

Marka loo hadalka lama filaanka ah ee siyaasi Salaad Cali Jeelle ka jeediyay madasha shirka Muddulood ee xarunta mu’asasada Macallin ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ku durayay buuq ka dhashay xilli uu khudbad jeedinayay.