Madaxweyne Farmaajo: “Dr. Xaawo waxay baal dahab ah kaga jirtaa sooyaalka dalkeenna, maadaama…”

1257

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Drs. Xaawa Cabdi oo saameyn wanaagsan ku yeelatay bulshada Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa  sheegay inay baal dahab ah uga jirto sooyaalka dalka, maadaama Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe si isxilqaan ah ugu adeegeysay dadka danyarta ah.

“Alle waxaan uga baryayaa in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskeeda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Allaha u naxariistee Dr. Xaawa Cabdi ayaa geerideeda waxaa ka tacsiyeynaya madax, siyaasiyiin iyo bulshada qeybaheeda kale, iyagoo siyaabo kala duwan u dhigaya waxqabadkeeda dhinaca caafimaadka iyo daryeelka dadka danyarta ah.