DAYAX DALNURSHE: “Waa wax lagu faano inaan heysano walaalkeen Fahad Yaasiin!”

2090

Fanaanka caanka ah ee reer Muqdisho Dayax Dal Nuurshe ayaa bilaabay dhaqdhaqaaqyo ka duwan hiwaayadiisa faneed, isagoona bilaabay inuu ka qeyb qaato taakuleynta dadka saboolka ah.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay baraha bulshada ayuu ku sheegay in Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu mudan in lagu faano waxqabadkiisa.

Dulucda ujeedka fanaanka caanka ah ee Dayax Dal Nuurshe ayaa xariirta aflagaado iyo ihaanooyin meel ka dhac oo loo geystay beesha reer Ow Xasan ee ay ka soo wada isaga iyo Fahad Yaasiin.

Qoraalo, sawirka Fahad Yaasiin la saaray ayaa maalmahaan qabsaday baraha bulshada ku xiriirto, taasi oo gef weyn loogu geystay beesha reer Ow Xasan ee Sheekhaal.