Madaxweyne Qoorqoor oo si kulul uga ka hadlay isbaheysi ka dhan ah kooxaha argagixisada ah

1137

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaaiye Qoorqoor ayaa sheegay in Galmudug iyo Puntland aysan wax fursad ah siin doonin Waxa uu ugu yeeray ururada Argagixisada, islamarkaana ay qaadi doonaan howlgal wadajir ah oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Waxaa uu sheegay in ay gaareen heshiisyo ay ka mid yihiin xoojinta Amniga labada maamul oo loo hirgalin doono si ficil ah.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa tilmaamay in ay ka qaadi doonaan howlgallo wadajir ah oo laga sameyn doono dhammaan gobolka Mudug oo uu sheegay in ay kusoo dhuuntaan Al-Shabaab oo adeegsanaya dagaal beeleedyo.

Qoorqoor ayaa xusay in laga cirib tiri doono Al-Shabaab degaanada maamulka Galmudug, isla markaana ay la shaqeyn doonaan dhammaan dhinacyadda kala duwan.

Ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ay ka sameeyeen Gaalkacyo kusoo qabtay in ka badan 20 ruux oo ay sheegeen in ay xiriir la haayeen ururka Al-Shabaab.