Faarax Cabdulqaadir oo weerar cusub ku qaaday madaxda DF Soomaaliya

1047

Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo dhaliila badan u jeediyey madaxda haatan hoggaamisa dowladda federaalka.

Xildhibaan Faarax ayaa sheegay in haatan xaaladda siyaasadeed ee dalka ay mareyso meel niyad jab ah, maadaama sida uu sheegay beelaha Soomaaliyeed ay bilaabeen shirar u gooni ah.

“Hadii uu waayo ama uu dareemo in ay ku xad gudbayaan kuwii uu doortay, qofku waxa uu raadsanayaa meesha uu ciirsan karo, hadaad aragto dadka oo qabiil ku yaacaya oo leh mustaqbalkeenu halkuu jiraa, waa niyad jab ka yimid midaamka dowladda,” ayuu yiri Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Sidoo kale Xildhibaan Faarax ayaa sheegay in waxyaabo badan oo laga sugaayey dowladda aysan qaban, isla markaana sida uu sheegay ay mar walba ku mashquulsan tahay xaflado, riwaayado iyo taalooyin, dadkuna ay is weydiinayaan gaabiska ku jira hoggaankooda oo ay leeyihiin halkee kale oo aan ciirsanaa.

“Maalmahaan waxaan maqalnaa dowladdu hormar bey gaartay oo deymihii ayaa dalka laga cafiyey, shidaal ayaa la qodayaa, caalamka ayaa taageeray hanaankeena, waxaas oo dhan waxay tarayaan lama arko, hadii dadka Soomaaliyeed aysan dareemin dowladnimada oo aysan ku heshiin” ayuu yiri sii raaciyey hadalkiisa.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay doorashada lagu wado in ay dalka ka bilaabato dabayaaqada sanadkan, waxuuna sheegay in loo baahan yahay in la cadeeyo hanaan lagu wada qansanyahay oo doorashadaasi ay ku dhici karto.

“Anigu waxaan qabaa dadka Soomaaliyeed balamihii ay isku ogaayeen dowladooda inay kula xisaabtamaan, balamahaas waxaa ka mid ahaa in markii uu dhamaado muda xileedku in la qabto doorasho sharci ah, mudadaas waa in lagu soo dhameystiraa shaqadaas, cidii shaqadeed ku xad gudubta waa in shacabka Soomaaliyeed ay kula xisaabtamaan, mana qabo jid furan in ay tahay dib ayaa loo dhigi karaa doorashada iyo hadii dib u dhac yimaado maxaa la sameynayaa” ayuu yiri Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo wareysi siiyey telefeshinka Somali Cable ayaa geesta kale waxaa uu dhaliilay qaabka guddiga adeega Garsoorka loo wado dhismahiisa iyo sharciyada uu saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.