Madaxweyne Trump oo hakiyay soo galootigii tegi jiray Mareykanka

1223

Madaxweyne Donald Trump ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa twitterka waxa uu ku sheegay inuu saxiixi doono amar madaxweyne oo si kumeelgaar ah loogu hakinayo in soogalootigu ay yimaadaan waddanka Mareykanka coronavirus awadii.

Farriintan oo uu soo dhigay xilli dambe oo xalay ah, ayaa waxa uu ku sheegay in go’aankaas uu gaaray kaddib “weerrarka uu ugu yeeray inuu soo qaaday cadawga aan la arkayn” – taas oo ah magac uu ugu yeero xanuunka coronavirus – iyo “baahida loo qabo in in lagu dhowro shaqooyinka” ay hayaan muwaadiniinta Mareykanka.

Wax faafaahin ah oo intaasi dheer kuma uusan darin farriintaas uu Trump soo dhigay bartiisa Twitterka.

Hasayeeshee ma ay cadda waxa uu madaxweynuhu dhab ahaantii ula jeeday iyo in ay u suurageli doonto inuu qaado tallaabo aanan hore loo arag.

Mareykanka ayaa waxa uu diiwaangeliyay 782,159 oo xaaladood oo cudurka Covid-19 ah, halka dhimashaduna ay marayso 41,816.

Dadka dhaleeceeya maamulka Trump ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweynuhuu uu cudurkan safmarka ah u adeegsanayo inuu howlgal ku fuliyo muhaajiriinta.