Wararkii ugu dambeeyay qarax weyn oo ka dhacay dalka Lubnan

1760

Waxaa soo baxaya warar ku saabsan baaxadda qarax shalay ka dhacay bartama magaalada Beirud ee wadanka Lubnan kaasi oo geystay qasaarooyin kala duwan.

Gurmadka loogu jiro dadka waxyeelada ka soo gaartay ayaa socda tan iyo markii uu qaraxa dhacay kaasi oo ay ka qeyb qaadanayaan ciidamad, dad samafayaal ah iyo kooxaha caafimaadka.

Wararku waxay sheegayaan in marba marka ka dambeysa ay sii kordhayaan tirada dadka ku geeriyooday qaraxàasi, waxaana haatan la xajiiyay inay geeriyoodeen in ka badan 50 ruux.

Qaraxaan oo ah mid culus ayaa galaaftay dhul baaxad leh caasimada dalkaasi Beirud ee dalka Lubnan, iyadoo halkaasi ay ku yaaleen warshado iyo goobo ganacsi isla markaana ah meel ay dadku ku badan yihiin.