Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

1441

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in Maanta oo Arbaco ah ay kulan ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay uga hadlayaan Arrimo dhowr ah.

Ajandaha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 3aad ee H/Sharciyeedka Nootaayooyinka, kaas oo Xildhibaannada Golaha Shacabka Isniintii la soo dhaafay la filayay inay marsiiyaan Akhrinta 2aad,balse kooram la’aan uu u baaqday kulanka.

Xildhibaannada Golaha Shacbaka ayaa waxaa xalay loo diray farriimo ku saabsan in Maanta uu jiro Kulanka Golaha, isla markaana ay kasoo qeyb galaan waqtigana ilaaliyaan.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay hadda ku jiraan kala-fadhiga 7aad ee ugu dambeeya muddo xileedka Baarlamaanka, waxaana horyaalla Shaqooyin dhowr ah.