Meydka Gabar yar oo laga helay degaan ka tirsan Gobolka Galgaduud

1499

Meydka Gabadhaan oo da’deeda lagu sheegay 11 sano jir lana la’aa muddo 15 cisho ah ayaa waxaa saaka laga helay meydkeeda deegaanka Cayn oo qiyaastii 15-KM u jira magaalada Godin-labe Ee Gobolka Galgaduud,sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan laamaha Amniga Galmudug.

Gabadhaan oo lagu Magacaabi jiray Caaisho Maxamed Shanleey ayaa la nooleyd Ayeeyadood oo degan Magaalada Godinlabe,waxaana ehelkeeda ay sheegeen in rag dhagax ka qodayay deegaanka Cayn ay dareemeen Ur badan,kadib markii ay ku baxeena ay halkaasi ku arkeen meydka Gabadha yar oo la dilay kadibna geed lagu dhex riday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in meydka Gabasha uu ka muuqday in qoorta laga jaray oo la gowracay laga helay ,sidoo kale ay ka xirneyd labadeeda Gacmood,iyada oo laamaha Ammaanka godinlabe ay tageen halka meydka laga helay.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Godinlabe oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in weli aan la helin dadkii ka dambeeyay falkaasi,hayeeshee ay Ciidamada Amniga ku raadjoogaan.

Dhacdooyinka la xiriira dilka Gabdhaha yar yar oo qaarkood la kufsaday ayaa kusoo batay dalka Saddexdii sano ee la soo dhaafay,waxaana dhacdadii ugu weyneyd ay noqotay kufsigii & dilkii Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Caa’isho Ilyaas Aadan walow dadkii falkaasi lagu helay la dilay.