Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo Warasaxaafadeed ka soo wada saaray Qarixii shalay dhacay.

1166

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxaa ay ku cambaareeyeen qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay agagaarka Dugsiga Tababarka Turkiga,kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi ay fashiliyeen Ciidamada Ammaanka si uusan waxyeelo ugu geysan Dhalinyaradii dooneysay inay qortaan Askarta ee ku sugnaa banaanka Xerada Tababarada Turkiga ee Muqdisho.

Sidoo kale War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda dalka Turkiga ayaa lagu cambaareeyay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay afaafka hore ee xerada tababarka Ciidamada Soomaaliya ee Turkisom.

Qoraal lagu daabacay Barta Twitterka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa waxaa tacsi loogu diray qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku dhintay qaraxaas.

“Waxaan saaxiibadeena Soomaaliyeed la qeybsaneynaa murugada, waxaan naxariista Allah u rajeeneynaa kuwii noloshaada ku waayey qaraxaas, waxaana tacsi u direynaa qoysaskooda” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Qarixii ismiidaakinta ahaa ee shalay ka dhacay afaafka hore ee xerada tababarka Ciidamada Soomaaliya ee Turkisom ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sheegtay Al-Shabaab,iyada oo ay ku dhinteen Saddex Ruux oo kala ahaa ismiidaamiyihii,Wiil dhalinyaro ahaa oo doonayay in uu qorto Ciidamada iyo qof kale uu Gurigiisa ugu tegay qaraxa.