QOYSAS DANYAR AH OO LOO SAMEEYEY BIYO DHAAMIN

895

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowlada Faderaalka Soomaaliya oo Kaashaneysa Hay’adda UNICEF ayaa bilowday howlo Biyo dhaamin ah oo loo sameeynaayo qoysas barakacayaal ah oo ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha dalka ka dhacday. Qoysaskaan oo ku sugan Gobolada Gedo, Shabeelada Dhexe iyo Banaadir ayaa waxaa ay yihiin kuwa danyar ah oo aan haysan adeegyada lagama maarmaanka u ah nolosha.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha DFS Mudane Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa sheegay in ay Wasaaradda sii wadi doonto caawinta dadaka duruufaha adag wajahaya ee ka barakacay fatahaadaha wabiga iyo daadaka.

Ilaa 5000 Qoysas ah ayaa ka faa’iidaysanaya biyo dhaaminta oo hadda socotay muddo laba todobaad ah waxa ayna sii socon doontaa illaa 6da Janaayo 2021.

Qoysaskaan oo baahi badan u qabay biyo nadiif ah ayaa u mahadceliyay Wasaaradda iyo UNICEF.