Madaxweyne Farmaajo oo magacaabayna Maareeyaha guud ee hay’adda Duulista Rayidka.

915

Madaxweyne Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Duulista Rayidka oo Baarlamaanku kal hore ansixiyey, kadib dood & aqrin qaadatay muddo, hayeeshee ugu dambeyn labada aqalba meelmariyeen.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sharcigaan uu yahay mid u muhiim ah duulimaadyada Rayidka, isla markaana ugu dambeyn uu ansixiyay Madaxweyne Farmaajo oo xeerkani ka mid ahaa xeerarka horyaala in muddo ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka waxaana xilkaan loo dhiibay Axmed Macalin Xasan oo ka mid ahaa xubnaha ka shaqeeya Hay’addaan.

Axmed Macalin Xasan oo horay u hayey isla xilkan loo magacaabay ayaa madaxweyne Farmaajo mar kale u magacaabay Maareeyaha guud ee duulista rayidka

Dhanka kale 4-tii Bishii Janaayo 2020, Xildhibaannada Golaha Shacbaka ayaa u codeeyay Sharciga duulista Rayidka, waxa uu u gudbay Golaha Aqalka sare BFS 10-kii Febaraayo, waxaana uu usoo gudbay Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.