Sacuudi Arabiya oo ku baaqday in mowqif midaysan laga qaato gardarada Israel ku hayso dhulka reer Falastiin

1305

Golaha Wasiirada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in Boqortooyada Sacuudiga ay si buuxda u taageersan tahay dadka reer Falastiin si ay dib ugu helaan xuquuqdooda oo buuxda ayna u diidaan qorshaha Israel ee ah in laga burburiyo qeybo ka mid ah Daanta Galbeed.

Sacuudi Arabiya ayaa ku tilmaamtay tallaabooyinka Israel kuwo xadgudub ku ah Axdiga Qaramada Midoobay, mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo qaraarada qaramada midoobay.

Isagoo wareysi siinayay Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga (SPA), Ku-simaha Wasiirka Warbaahinta Majid Al-Qasabi wuxuu sheegay in Golaha Wasiirradu ay taageereen baaqii Sacuudiga ee ahaa in la qaato mowqif mideysan oo Islaami ah oo ku wajahan gardarada Israa’iil intii lagu guda jiray kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen wadamada ku midaysan ururka iskaashiga Islaamka ee OIC.

Kulanka golaha wasiiradda oo uu gudoominayay mas’uulka labada masjidka barakeysan ee boqor Salmaan, waxaa sidoo kale lagu cusbooneysiiyay cambaareynta ku aadan gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee ay wadaan maleeshiyaadka Xuuthiyiinta Iran oo ay si ula kac ah u bartilmaameedsadaan dadka rayidka ah iyo xarumaha rayidka ee Sacuudiga.