Wariye reer Boorama oo xukuumadda Muuse Biixi ugu xiran magaalada Hargeysa

1141

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xalay fiidkii xabsiga u taxaabay Wariye Ibraahim Suxufi, oo kamid ah wariyeyaasha ugu cad-cad ee gobolka Awdal.

Ciidamada Booliska ayaa xalay magaalada Hargeysa ka qabtay Wariyaha oo magaaladaasi u joogay howlo shaqsi ah, sida ay ehelkiisu u sheegeen Caasimada Online.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen eheladiisu Wariyaha ayaa hadda ku xidhan xarunta dambi baarista ee magaalada Hargeysa, oo ay xalay geeyeen ciidamada Boolisku.

Weli si rasmiya looma oga sababta loo xidhay Wariyaha, iyada oo aan ehelkiisa wax war ah laga siin xaalka Wariyaha oo muddo 20-saacadood ku xidhan xarunta dambi baarista ee Hargeysa.

Ibraahim Suxufi ayaa kamid ah Mas’uuliyiinta ka howl-gala Tv-ga Rayo ee magaalada Boorama, isagoona hore uga soo shaqeeyay Telefishano kale oo Soomaalida ah.

Sidoo kale Wariyuhu waxa uu ahaa Barre dhiga culuumta Saxaafada, kaasi oo ka dhigayey Machad saxaafada lagu barto oo ku yaala magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Ibraahim ayaa waxa kale oo uu barre ka ahaa Dugsiga sarre ee Ardaale, oo kamid ah iskuulada dowliga ah ee wasaarada waxbarashada Somaliland ay gacanta ku hayso.

Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi ayaa inta badan xadhig kula kacda suxufiyiinta ka howl-gala gudaha deegaanadeeda, iyada oo la aaminsan yahay inay badanaa u marin sifada sharcigu dhigayo, isla markaana si rasmiya u soo bandhigin eedaha ay ku haysato.