Wasiir ka tirsan maamulka Hirshabelle oo xalay lagu dilay Jowhar (Faahfaahin)

1226

Magaalada Jowhar ee xarunta u ah maamul goboleedka Hirshabelle waxaa saakay ka socda aaska wasiir ka tirsan maamulkaasi.

Allaha u naxariistee C/qaadir Abuukar Muhumed Nuuxoow (Karaani ) oo ahaa wasiirka wasaaradda Beeraha iyo waraabka ayaa xalay la dilay xilli uu ka soo baxay salaadda cishaha kuna sii jeeday hoygiisa.

Wararka ayaa sheegaya in dilka marxuum Karaani ay ka dambeeyeen rag bastoolado ku hubeysan, kuwaasi oo goobta isaga baxsaday, inkasta oo ciidamada amniga ku raad joogaan kooxihii falkaasi ka dambeeyay.

Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa sheegay in falkaasi ay ka dambeeyeen kooxaha nabad-diidka, iyagoona tilmaamay inay qaadayaan tallaabooyinka sharciga lagu hor keenayo kuwii falkaasi ka dambeeyay.