Laba xisbi siyaasadeed oo shir xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho (Maxaa looga hadlay?)

1454

Laba ka mid ah axsaabta siyaasadda dalka ayaa shir gaar ah oo ay Muqdisho ku yeesheen waxay uga hadleen arrimo dhowr ah, iyagoona qaar ka mid ah qodobada ajandaha kulankooda uu ahaa mid xasaasi ah.

Kulanka oo ahaa mid qado ah, waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha xisbiga sinnaanta midnimada Nabadda C/Maalik Xasan Taksi, Guddoomiyaha xisbiga Jiinka Wabiga Maxamed Nuur Ibraahim (Coonka) iyo xubno ka tirsan labada xisbi.

Arrimaha ugu waaweyn ee labada xisbi siyaasadeed isla jeex jeexeen waxaa ka mid ahaa:-

1.  Xaaladda dalka iyo sidii labada xisbi u yeelan lahaayeen isbaheysi

2. Dardar gelin doorka xisbiyada siyaasadda dalka ay ku leeyihiin arrimaha doorashooyinka dalka.

3. Xoojinta midow guud oo dhex mara xisbiyada siyaasadda dalka si loo kordhiyo awoodooda mustaqbalka fog.

4. In labada xisbi wadajir u raadiyaan ka mira dhallinta tallaabo kasta oo xoojineysa isbaheysigooda iyo qodobo kale.

Guddoomiyaha xisbiga Jiinka Wabiga Maxamed Nuur Ibraahim (Coonka) oo khudbad kooban ka jeediyay shirka laba geesoodka ah ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay muhiimadda kulanki u leeyahay hannaanka xisbiyada badan ee uu dalka qaatay.

Waxa uu sheegay inuu uga mahad celinayo Hoggaamiyaha xisbiga midnimada Nabadda C/Maalik Xasan Taksi doorkiisa ku aadan sidii uu dalka u heli lahaa axsaab siyaasadeed door wax ku ool ah ku leh doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadka 2021-ka.

Dhinaca kale waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga sinnaanta midnimada Nabadda C/Maalik Xasan Taksi ayaa sheegay in dalka uu wajahayo marxalad doorasho qof iyo cod ah, sidaasi daraadeed ay lagama maarmaan tahay in xisbiyada siyaasadda dalka looga baahan yahay sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen.

“Dhammaan xisbiyada siyaasadda dalka waxaa horyaalla howlo culus oo runtii aan lagu dhameystiri karin mudada ka hartay sanadkaan” ayuu yiri C/Maalik Xasan Taksi oo sheegay in dalka uu ku jiro marxalad loogu diyaar garoobayo doorasho qof iyo cod ah bacdamaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu saxiixay sharciga doorashooyinka.

Qaar ka mid ah xubnaha labada xisbi siyaasadeed oo kulanka ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay muhiimadda isbaheysigooda u leeyahay miisaanka siyaasadda dalka iyo horumarka axsaabta dalka ka jirta.

Xubnaha ayaa sheegay in kulamada noocaan oo kale ah ee ay xisbiyada uga tashanayaan aayahooda si sare loogu qaado in dalka uu ka dhaqan galo nidaamka axsaabta oo fure u ah doorasho qof iyo cod ah, waxayna shacabka Soomaaliyeed ku booriyeen inay ku biiraan xisbiyada dalka ka jira si iyagoo xor ah u doortaan madaxda hoggaamineysa dalka.