Weeraryahanka Chelsea Kai Havertz oo laga helay COVID-19

1618

Weeraryahanka naadiga Chelsea ay dhowaan la soo wareegtay Kai Havertz ayaa galay xaald karantiil ah kaddib markii uu ku dhacay Covid-19.

Havertz ayaa baaritaan lagu sameeyay lagu ogaaday inuu qabo feyraska, waxaana xalay laga waayey safka Blues-ka ciyaartii Champions League-ga ay gurigeeda kula ciyaartay kooxda Rennes.

“Frank Lampard waxa uu xaqiijiyay Kai Havertz inuu ku dhacay Covid-19,” ayaa lagu yiri bayaan lasoo dhigay website-ka Chelsea.

Laacibkaan ayaa u adkeystay bilowgiisa adag ee waayihiisa Chelsea tan iyo markii uu kaga soo biiray Bayer Leverkusen xagaagii dhawaa.

21 jirkaan ayaa dhaliyay kaliya hal gool oo Premier League ah, isagoo la dhibtoonaya inuu gaaro qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa kaddib markii uu u adeegsaday boosas kala duwan tababaraha Blues Frank Lampard.