Xiddig kale oo ka tirsan Juventus oo looga shakiyay xanuunka Coronavirus

1458

Wariye caan ah ayaa sheegay inuu la kulmay xiddig ka tirsan kooxda kubadda cagta Juventus oo looga shakisan yahay inuu ku dhacay xanuunka Coronavirus, kana mid ah laacibiinta la karantiilay hase yeeshee aan si cad loo shaacinin inuu ku dhacay xanuunkani.

Juventus waxay hore u sheegtay in Rugani oo difaaca uga ciyaara uu ku dhacay Coronavirus, waxaana waddanka Portugal go’doon ku ah Cristiano Ronaldo oo inkasta oo uu caafimaad qabo haddana aan kusoo laabanin kooxdiisa maadaama ay intooda badan galaangal la sameeyeen laacibka xanuunku haleelay.

Kooxda Old Lady ayaa gilgilantay markii xanuunkan laga helay difaaceeda, laakiin waxa jira saddex ciyaartoy oo da’yarta naadiga ah oo ah halkii uu kusoo galay, kuwaas oo ka qayb-galay ciyaar horyaalka heerka saddexaad ah oo kooxdii ay la dheeleen uu ku jiray laacib xanuunsanaya.

Wariyaha caanka ah ee Andres Agulla oo u dhashay Talyaaniga, ayaa farriin uu ku baahiyey bartiisa bulshada, waxa uu ku sheegay inuu la kulmay ciyaartoy ka tirsan Juventus oo fartu ku godan tahay, laakiin tijaabooyin iyo baadhitaano uu naftiisa ku sameeyey, gebi ahaanba uu badqab ka yahay xanuunkan.

Xiddiga reer Argentine ee Paulo Dybala ayuu wariye Andres Agulla la kulmay intii uu shakigu jiray, waxaanu caddeeyey inuu taam yahay oo uu caafimaad qabo.

Farriin uu soo dhigay bartiisa Twitterka, ayuu Andres Agulla ku yidhi: “Waxaan la kulmay Dybala oo aan kala xaajooday xanuunkan, waxaanu Dybala ii sheegay inuu caafimaadkiisu fiican yahay, waxaanay u muuqataa in Juventus ay hadda maamushay oo ay ciyaartoygeeda daryeeshay.”