Xildh. Jeesow: “Md. Madaxweyne waxaan dalbaneynaa in Axmed Madoobe xabsiga la dhigo” (Dhageyso)

1270

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, doorka beesha caalamka, wafdiga ka socda maamulada Puntland iyo Jubaland, wuxuuna si cad uga dalbaday madaxweyne Farmaajo inuu xabsiga dhigo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islam (Axmed Madoobe).

“Anagoo ah xildhibaanadii afarta sano kula shaqeynayay Md. Madaxweyne waxaan dalbaneynaa in Axmed Madoobe xabsiga la dhigo” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ku booriyay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni inuu isaga haro xulafeysiga Axmed Madoobe.

Waxa uu sheegay in dadka Puntland ka soo jeeda ay yihiin kuwo jecel dowladnimada, wuxuuna kula taliyay madaxweyne Deni inuu ka fekero natiijada ka dhalan karta isbaheysiga Axmed Madoobe kala dhaxeeya.

Dhinaca kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan golaha Baarlamaanka federaalka ayaa sheegay in beesha caalamka ay faragelin cad ku heyso arrimaha Soomaaliya, wuxuuna si gaar ah u tilmaamay in safiirka Mareykanka Donald Yamamoto iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ambssador James Swan ay ku fashilmeen howlahoodii.

“Waxaan gubi doonaa sawirada James Swan iyo Donald Yamamoto, anagoo caddeyneyna in dimoqoraadiyadii ay sheegan jireen ay ku fashilmeen” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow oo khudbad u jeedinayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayna ka soo qeyb galeen xildhibaan, wasiiro, saraakiil iyo shacabka qeybihiisa kala duwan.