Isbaheysiga xisbiyada siyaasadda oo warsaxaafadeed ka soo saaray xaalađa dalka

1021

Ref:0014/IXS/2020 Date:28/06/2020

War-Saxaafadeed.

Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya oo Maanta Shir Ku Yeeshay Aaladda Internetka ee Zoom ayaa Waxey Kawada Hadleen Arrimo La Xiriira Siyaasadda, Amniga Iyo Dhaqaalaha Waxeyna Dood iyo Falaqeyn Kadib Shirka Kasoo Saareen Qodobadan:
1. Isbaheysiga Xisbiyadda Siyaasadda oo Ka Kooban 40 (afartan Xisbi Siyaasadeed oo Si KMG ah U Diiwaan Gashan Waxey Walaac Ka Muujinayaan Aadna Uga Xunyihiin Kala Qaybsanaanta Iyo Khilaafka Soo Kala Dhex Galey Labada Barlamaan ee Hoose iyo Sare.

2. Xisbiyada Siyaasaddu Waxey Si Buuxda Uga Soo Horjeedaan Doorasho Aan aheyn Qof Iyo Cod Nuucay Doonto Ha Noqotee, waxeyna Diyaar U Yihiin Mid Xisbiyada Siyaasaddu Ku Tartamaan, Waqtigeedana Qabsoonta.

3. Madaxda Isbaheysigu Waxey Soo Jeedinayaan In Maxkamadda Saree e Dalka Iyo Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranku Baaraan Xog Ogaalna U Noqdaan Muranka Xeer Dajineed ee Kasoo Yeeray Barlamaanka Aqalka Sare Iyo Golaha Shacabka, Shuruucda Dalkana La Waafajiyo Dastuurka kmg ee Qaranka.

4. Xisbiyada Siyaasadda ee Isbaheysigu Waxey Ugu Baaqayaan Dawladda Federalka, M/goboleedyada Xisbiyada Siyaasadda Iyo Ururada Bulshada Rayidka In aan Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed Dib Loogu Celin Qalalaase oo Lala Yimaado Tanaasul Iyo Is Faham Siyaasadeed,Si Dalka ay Uga Dhacdo Doorasho Heshiis Lagu Wadayahey.

5. Isbaheysiga Xisbiyadda Siyaasaddu Waxey Hambalyo Iyo Bogaadin Ku Aadan Maalmaha Xorriyadda Soomaaliya U Dirayaan Dhamaan Dadka Soomaaliyeed Meel Kasta oo ay Ku Noolyihiin, Waxeyna U Rajeynayaan In Sanadkan Kiisa Kale uu Alle Ku Gaarsiiyo Nabad, Horumar iyo Barwaaqo.

6. Ugu Danbeyntiina Madaxda Xisbiyadu Waxey Dawladda federalka Siyaasiinta, Iyo Shacbiga Gobolkan Banaadir Ugu Baaqayaan In ay Illaaliyaan Amniga Iyo Xasiloonida Caasimadda Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya ee Muqdisho.

WABILLAAHI TOWFIIQ