20ka laacib ee ay u badan tahay inay ku guuleystaan Ballon d’Or sannadkan 2020

1906

Marka laga reebo sannadkii 2018, Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa iska heystay abaalmarinta Ballon d’Or tan iyo 2008.

Luka Modric ayaa kaliya ka soo dhex galay iyadoo Messi uu lix jeer hantay halka Ronaldo uu shan jeer qaaday.

Laakiin marka lagu dhawaaqayo xiddiga ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or 2020, Ronaldo da’diisa waxay ahaan doontaa 35 sanno jir halka Messi uu ahaan doono 33 sanno jir.

Lama filaan ma noqon doonto in midkood uu abaalmarinta mar kale ku guuleysto, si kastaba waxay u badan tahay in guuleyste cusub uu soo bixi doono.

Laakiin waa kuwee xiddigaha ugu cadcad inay ku guuleystaan Ballon d’Or bisha December?

Shabakada Goal ayaa qiimeyn ku sameysay 20ka xiddig ee ay u badan tahay inay ku guuleystaan abaalmarinta. Xusuusnow, Ballon d’Or waxaa lagu qiimeeyaa qaab ciyaareedka sannadka sidaasi darteed qiimeyntaan waxay la xiriirtaa kaliya qaab ciyaareedka sannadkan 2020.

20 | Josip Ilicic | Atalanta
14 gool iyo shan caawin ayuu sameeyay 11 kulan uu saftay sannadkan 2020. 32 jirkaan ayaa Afar gool ka dhaliyay Valencia xalay iyadoo Atlanta ay u soo gudubtay wareega sideed dhamaadka.

19 | Virgil van Dijk | Liverpool
Kaalinta labaad ayuu galay sannadkii 2019, Van Dijk wuxuu ku dhow yahay inuu Liverpool ka caawiyo hanashada Premier League. Haddii uu guul soo laabasho leh ku hogaamiyo kulanka caawa ee Champions League ee Atletico Madrid meel fiican ayuu ka soo geli doonaa liiska.

18 | Ciro Immobile | Lazio
Waa hogaamiyaha sannadkan ee tartanka kabta dahabka Yurub ee Golden Shoe isagoo 27 gool ka dhaliyay Serie A xilli ciyaareedkan.

17 | Casemiro | Real Madrid
Casemiro waa xiddiga ugu muhiimsan Real Madrid waqti xaadirkaan. Haddii Real ay ku guuleysato La Liga iyo Champions Leagie markaasoo ku guuleystaha Ballon d’Or waxa uu ka imaan doonaa Bernabeu. Waxa uu sidoo kale ka caawin karaa Brazil ku guuleysiga Copa America.

16 | Paulo Dybala | Juventus
Paulo Dybala ayaa isbedel weyn ku sameeyay waayihiisa ciyaareed ee Juventus, sannadkan 2020 kaliya waxa uu dhaliyay afar gool isagoo caawiye ka noqday todoba gool.

15 | Mohamed Salah | Liverpool
Salah waxa uu dhaliayy todoba gool 10 kulan oo Premier League ah uu ciyaaray 2020, waxa uu markii seddexaad oo isku xigta ku guuleysan karaa gooldhalinta horyaalka Premier League iyadoo kooxdiisa Liverpool ay horyaalka qaadeyso.

14 | Sergio Aguero | Man City
Aguero qaab ciyaareed fiican ayuu ku jiraa 2020, waxa uu dhaliyay sagaal gool 11 kulan uu saftay sannadkan. Waxa uu City durbaba ka caawiyay hal koob, wuxuuna la qaadi karaa koobkoodii ugu horeysay ee Champions League. Sidoo kale Copa America ayuu fursad u heystaa.

13 | Jordan Henderson | Liverpool
Kabtanka Liverpool muhiimadiisa waxay soo baxday markii uu dhaawacmay. Haddii uu Reds ku hogaamiyo Premier League iyo Champions League islamarkaana uu England la qaado Euro 2020 markaas fursad fiican ayuu u heystaa Ballon d’Or.

12 | Bruno Fernandes | Man Utd
Sidii ugu fiicneyd ayuu Fernandes ku bilowday waayihiisa Man United. Seddex gool iyo seddex caawin ayuu sameeyay todoba kulan uu u saftay. Wuxuuna sarre u qaaday qaab ciyaareedka kooxda.

11 | Timo Werner | RB Leipzig
Werner waxa uu dhaliyay kaliya seddex gool oo Bundesliga ah sannadkan 2020, laakiin waxa uu kooxdiisa ka caawiyay inay markii ugu horeysay u soo baxaan wareega sideed dhamaadka Champions League.

10 | Serge Gnabry | Bayern Munich
Labadii gool ee uu Gnabry ka dhaliyay Chelsea ayaa Bayern u fududeyn kara inay u gudbaan wareega sideeda Champions League. Shan gool iyo seddex caawin uu sameeyay sannadkan 2020 horyaalka Bundesliga ayaa iyadana caawisay Bayern Munich.

9 | Neymar | Paris Saint-Germain
Sideed gool uu dhaliyay sagaal kulan uu saftay sannadkan 2020 ayaa ka dhigeysa inuu qaab ciyaareed fiican ku jiro laakiin wuxuu u baahan yahay inuu PSG la qaado Champions League si uu ugu guuleysto Ballon d’Or.

8 | Sadio Mane | Liverpool
Dad badan ayaa ka carooday inuu kaalinta afaraad ku dhameystay Ballon d’Or 2019 laakiin miyuu ku guuleysan karaa sannadkan? Waa hubaal inuu qaadayo Premier League haddii uu ku darsado Champions League fursadiisa waa mid weyn.

7 | Kylian Mbappe | Paris Saint-Germain
Mbappe maalin uun wuu ku guuleysan doonaa Ballon d’Or laakiin miyay noqon doontaa sannadkan 2020? Waxa uu dhaliyay 12 gool 12 kulan uu saftay sannadkan 2020. Haddii uu PSG ku hogaamiyo Champions League islamarkaana France uu la qaado Euro 2020 isagoo ayaa ugu cadcadaan doona Ballon d’Or.

6 | Jadon Sancho | Borussia Dortmund
Xiddiga Ingariiska waxa uu ku jiraa qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa iyadoo 19 jirkaan uu yahay rajada Dortmund ee horyaalka Bundesliga.

5 | Lionel Messi | Barcelona
Fursada Lionel Messi ee inuu ku guuleysto Ballon d’Or markii 7aad aad ayay u yar tahay haatan isagoo seddex kulan shabaqa soo taabtay sannadkan 2020. Wax badan waxay ku xirnaan doonaan haddii Barcelona ay hanato La Liga iyo Champions League iyo rajada Argentian ee Copa America.

4 | Erling Haaland | Borussia Dortmund
Sida Mbappe, Haaland maalin uun wuu ku guuleysan doonaa Ballon d’Or. Xiddiga reer Norway ayaa dhaliyay 12 gool 10 kulan uu saftay sannadkan 2020. Waxa uu u baahan yahay inuu Dortmund la qaado Champions League.

3 | Cristiano Ronaldo | Juventus
Dhiirogelinta ugu weyn ee Ronaldo waa isagoo arka Messi oo qaaday Ballon d’Or kale. Ronaldo waxa uu dhaliyay 13 gool 10 kulan uu saftay sannadkan laakiin Juve waxay qarka u saaran tahay inay ka harto Champions League ka dib guuldaradii Lyon. Haddii uu taas dhanka kale u rigo fursadiisa Ballon d’Or-kii lixaad waa mid weyn.

2 | Robert Lewandowski | Bayern Munich
Lewandowski wuxuu garoomada ka maqnaanayaa ilaa iyo bisha April taasoo dhaawici karta fursadiisa Ballon d’Or. Ka hor dhaawaciisa waxa uu dhaliyay sagaal gool sideed kulan uu u saftay Bayern oo uu ku hogaamiyay hogaanka Bundesliga. Lewandowski

1 | Kevin De Bruyne | Man City
De Bruyne kuma guuleysan doono Premier League xilli ciyaareedkan laakiin xiddiga reer Belgium waxaa soo maray xilli ciyaareedkiisii uu ugu fiicnaa. Waxa uu jabin karaa rikoodhka caawinta Premier League isagoo fure u noqon kara guusha Man City ee Champions League. Halka uu Belgium ka caawin karo Euro 2020.