FIFA oo go’aan kooxaha kubbada cagta farxad u ah soo saartay.

2035

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa soo saartay go’aan ay si wayn u soo dhawayn doonaan kooxaha kubbada cagtu kaas oo la xidhiidha sharcigii kooxaha waajibka kaga dhigayay in ay ciyaartoydooda u fasaxaan kulamada caalamiga ah oo la laalay.

Kulamada soo socda ee xulalka aduunka ayayna kooxaha kubbada cagta waajib ku noqon doonin in ay ciyaartoydooda u fasaxaan taas oo keeni doonta in koox kastaaba ay ciyaartoyda kooxdeeda ka joojin karto in ay xulalkooda u ciyaaraan.

FIFA ayaa hore u qorshaysay in kulamo caalami ah oo ay xulalka qaramadu ciyaari doonaan loo baxo dhamaadka bishan March iyo bisha April ee soo socota laakiin saamaynta coronavirus ayaa keentay in sharciga gabi ahaanba la badalo.

Golaha FIFA ayaa shir ay yeesheen ku go’aamiyay in meesha laga saaro qodobkii sharci ee kooxaha kubada cagta waajibka kaga dhigayay in ay ciyaartoydooda u fasaxaan xulalka ay ka tirsan yihiin si ay kulamada caalamiga ah u ciyaaraan.

Hadda waxay kooxaha kubbada cagtu heleen go’aan ay si wayn ugu farxayaan maadaama oo ay walaac wayn ka qabeen in ciyaartoydooda uu saamayn ku yeesho corona virus inta lagu jiro kulamada caalamiga ah ee soo socda.

Qaar ka mid ah kulamada caalamiga ahaa ee qorshaysnaa bishan March dhamaadkeeda ayaa la baajiyay halka kooxaha kubbada cagtu ay hadda awood u leeyihiin in ay xataa kuwa April iska diidi karaan in ay ciyaartoydooda fasaxaan.

Waxaa hore u soo baxay war sheegayay in kooxaha Premier league ayna doonayn in ciyaartoyda kooxahooda ay u fasaxaan kulamada caalamiga ah ee March iyo April, laakiin hadda FIFA ayaa go’aan muhiim ah soo saartay.

FIFA ayaa sheegtay in socodsiinta kulamada caalamiga ahi in ayna halis caafimaad oo kaliya ku ahayn ciyaartoyda iyo dadwaynaha, balse waxay fahmeen in ay xataa waxyeeli karto sumcadii ciyaaraha waxayna sidoo kale garawsadeen in kooxaha qaar ay diidaan in ciyaartoydoodu ay ka qayb galaan kulamada caalamiga ah.

Sidaa daraadeed, markii ay FIFA aragtay sida ay xaaladu noqotay iyo waliba musiibada coronavirus, waxay go’aan ku gaadheen in kooxaha kubbadu ay hadda awood buuxda u leeyihiin in ay ciyaartoydooda ka hor joogsan karaan in ay xulalkooda u ciyaaraan.

“Golaha FIFA waxa uu go’aansaday in la badalo sharcigii caadiyan kooxaha waajibkaga kaga dhigayay in ay ciyaartoydooda u fasaxaan kulamada kooxaha qaramadooda taas oo aan ku fuli doonin kulamada caalamiga ah ee soo socda ee March iyo April” ayaa go’aanka FIFA lagu cadeeyay.

Iyada oo shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayn dhamaantood la joojiyay isla markaana hakad la galiyay tartamadii Champions League iyo Europa league, waxaa sidoo kale la filayaa in gabi ahaanba meesha laga saari doono kulamadii caalamiga ahaa ee March iyo April halka haddii ay socdaan ay kooxuhu ciyaartoydooda ceshan karaan.