VIDEO: Warbaahinta Mustaqbal Medi oo wareysi kulul la yeelatay askari ka tirsan ciidamada Haramcad

2132

Muuqaal baahiyaha warbaahinta madaxa bannaan ee Mustaqbal Media oo dhowaan xaruntooda magaalada Muqdisho ay xoog ku galeen ciidamada Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad loo yaqaano ay baahiyay wareysi xasaasi ah kaasi oo su’aalo adag lagu weydiiyay sarkaal ka tirsan ciidamadaasi.

Askarigaan oo aan magaciisa la sheegin balse muuqaalkiisa aad daawan karto ayaa sheegay inay weerar ku qaadayaan warbaahin kasta oo ka aragti duwan tan dowladda isla markaana aanay raalli ka ahayn, waxaa kale oo uu sheegay in howlgalada lagu beegsanayo warbaahinta madaxa bannaan ay ka dhaceen xarumo dhowr ah, isagoona carabaabay magacyada qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha Muqdisho.

Maamulaha guud ee warbaahinta Mustaqbal Medi Axmed Ciise Guutaale oo ka warbixinayay weerarka lagu qaaday xaruntooda dhexe ayaa ka codsaday Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka inay qaado tallaabo looga hortegayo tacadiga ay ciidamada Haramcad u geysteen.

Xalay magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan dhex maray maamulaha warbaahinta Mustaqbal Medi Axmed Ciise Guutaale iyo qaar ka mid ah madaxda iyo maamulayaasha qaar ka mid ah warbaahinta, kulankaasi oo ahaa mid maamulka sare lagu barbar istaagayay dhibaatadii dhowaan loo geystay.

Dhinaca kale waxaa socda dadaallo ku saabsan sidii ay dowladda federaalka wax uga qaban lahayd dhibaatada loo geystay xarunta warbaahinta Mustaqbal oo ciidamada Haramcadka ay ka qaateen qaar ka mid ah qalabkii ay ku howlgaleysay, iyadoo sidoo kale burbur loo geystay xafiisyada qaarkood.

Wareysigan cusub oo warbaahinta Mustaqbal ku baahisay baraha bulshada saacado kaddib markii uu dhammaaday howlgalkii ciidamada Booliska ka fuliyeen xaruntaasi ayaa u muuqda mid xaaladda uga sii daraya, bacdamaa su’aalaha kulkulul iyo jawaabaha uu bixinayo askarigaasi ka tirsan ciidamada Haramcadka ay yihiin kuwo culculus.

DAAWO VIDEO