Qarax qasaare geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

2036

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qarax maanta barqanimadii ka dhacay degmada Kaxda oo ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo qasaare kala duwan uu u geystay dadkii saarnaa gaari nooca raaxada ah loona yaqaan Surf.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay ku geeriyoodeen saddex ruux oo laba ka mid ah ay ahaayeen Injineero guryaha dhisa, kuwaasi oo ku sii jeeday guri laga dhisayay degmada Kaxda, halka midka saddexaadna uu ahaa askari ilaalo u ahaa.

Sidoo kale qaraxa waxaa ku dhaawacmay haweeney wadada mareysay, iyadoo gebi ahaanba gaariga ay haleeshay miinada nooca dhulka la geliyo ee laga hago Remut controlka kaasi oo jugtiisa laga maqlayay guud ahaanba degmada Kaxda iyo nawaaxigeeda.

Daqiiqado kaddib markii uu qaraxa dhacay ayaa waxaa goobtaasi gaaray ciidamada ammaanka dowladda federaalka, kuwaasi oo bilaabay howlgallo baaritaano, iyagoo xiray dhammaanba nawaaxiga uu qaraxa ka dhacay inkasta oo aanay helin caddeymo ku saabsan kooxihii ka dambeeyay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska ayaa sheegay in qaraxaasi ay ka dambeeyaan kooxaha argagixisada ah oo aalaaba fuliya weerarada noocaan ah, iyagoona hoosta ka xariiqay inay ku raad joogaan macluumaad ku saabsan halka laga soo abaabulay iyo kooxihii ka dambeeyay.