Axmed Madoobe oo magacaabay xubnaha guddiyada doorashooyinka

1687

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo magacaabay xubnaha guddiyada doorashooyinka heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed uga mid noqonaya maamulkiisa.

Madaxweynahe Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya u soo gudbiyay Xubnaha maamulka Jubbaland uga mid noqonaya guddiyada doorashooyinka heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed.

Madxweynaha Jubbaland ayaa soo gudbiyay 8 xubnood oo guddiga doorashada heer dowlad goboleed ah, 2 xubnood oo guddiga heer Fedaraal ah iyo 2 xubnood oo ka mid ah guddiga xalinta khilaafaadka.

Magacaabistan iyo soo gudbinta xubnaha guddiyada doorashada uga qeyb noqonaya maamulka Jubbaland ayaa waxay noqonayaan xubnahii ugu horeeyay ee loo gudbiyo xafiiska Raysal wasaare Rooble, waxaana la filayaa in maamul goboleedyada kalana soo gudbiyaan guddiyadooda.