Sarkaal horay uga soo shaqeeyay Soomaaliya oo maanta lagu weeraray Kampala

1362

Rag hubaysan ayaa dhawaac u geystay taliyihii hore ee ciidammada dhulka ee waddanka Uganda, Janaraal Katumba Wamala, iyadoo halkaas lagu dilay gabar uu dhalay janaraalka iyo darawalkiisa.

Janaraal Katumba Wamala oo hadda ah wasiirka gaadiidka ayaa ahaan jiray taliyihii hore ee ciidamada dhulka ee Uganda, wuxuuna kaalin weyn ka qaatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xuseen Carab Ciise, oo ah wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya oo in badan la kulmay wasiirka ayaa BBC u sheegay in Janaraal Katumba Wamala uu ahaa taliyihii hoggaaminayay ciidamada lugta ee Uganda ee ururka Al-Shabaab ka xorreeyay magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in marar badan booqasho uu ku tagey Soomaaliya, “Wuxuu ahaa ninkii hoggaaminayay ciidankii sida xoogga ah ula dagaallamay Al-Shabaab, Muqdisha na ka xorreeyay iyo meelo kale oo badan… Wuxuu ahaa nin aad iyo aad u adag, cilmiga ciidamadana aad u yaqaanno ee soo bartay”.

Wuxuu intaas ku daray in uu ahaa nin daacad ka ahaa halganka isla markaana aad u dadaal badnaa.

“Intii aan ka bartay waa nin daacad ah, halgankana daacad ka ah, ciidamadiisii uu arkayo in ay ku dhimanayaan ku dhaawacmayaan, dal walaalahood oo Afrikaan ah; nin ku qanacsan buu ahaa, Soomaaliya na jecel oo doonayay in dowladnimada u dhisanto ay ka xoroobaan meelaha ay Al-Shabaab ka heysato,” ayuu yiri Xuseen Carab.

Janaraal Katumba Wamala ayaa sidoo kale kaalin weyn ka qaatay dadaalladii tababarka loogu fidinayay ciidamada Soomaaliya kuwaas oo ka soo baxay kuliyadaha ciidan oo ku yaalla Uganda.

“Ciidamadeena markii hore aad ayaa loogu soo tababari jiray xaggaa iyo Uganda, Runtii taa lug buu ku lahaa, tababarka ciidamadeena iyo sida loo howgelinayo.”

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in rag hubaysan oo watay mootooyin ay dhowr xabadood la dhaceen gaariga uu janaraalka saarnaa. Wuu ku dhaawacmay, waxaana ku dhintay gabadhiisa.

Arrin u muuqatay iskuday la doonayay in lagu khaarajiyo taliyihii hore ee ciidammda dhulka iyo taliyihii hore ee booliska, oo haatan ah wasiir ka tirsan dowladda, ayaa Uganda ka kicisay walaac badan.

Sanadihii u dambeeyey, dalka Uganda waxaa gilgilay dhacdooyinka noocan ah, kuwaas oo dadka geysanaya ay isticmaalaan mootooyiin, iyagoo hubeysan.

Museveni oo ka hadlay weerarka loo geystay wasiirka

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa ka jawaabey dhaawaca loo geystay wasiirka gaadiidka iyo taliyihii hore, ee General Katumba Wamala.

Museveni ayaa barta twitter-ka uu ku leeyahay wuxuu ugga goodiyey kuwii geystay dilka, isagoo ku tilmaamay “doofaarro”, wuxuuna balan qaadey in laga adkaan doono.

Wuxuu u tacsiyeeyey madaxweynaha qoyska General Wamala, isagoo intaa raaciyey in isagu qudhiisa uu kula hadley taleefanka.

Wuxuu intaa ku darey Museveni in hannaanka cusub ee ilaalinta magaalada ay baabi’in doonto isticmaalka mootooyinka lagu geysto dilalka iyo danbiyada.

Wuxuu sheegay madaxweynaha in ilaalada jeneraalka aaney aheyn in xabadaha ay cirka u ridaan, balse ay wanaag sanaanayd inay si toos ah u toogtaan kuwii weerarka geystay. Waxaa soo gaarey jeneraalka dhaawac gacanta ah, wuxuuna wali ku jiraa isbitaalka

Jeneraalka ayaa waxaa weerarey niman aan la garanaynin aroortii hore ee Talaadada. Sidoo kale, darawalkii jeneraalka ayaa ku dhintey weerarka.

Afhayeenka ciidanka ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ay baarayaan taleefanadii uggu danbeeyey ee soo wacay jeneraalka, kuwaasoo u eg kuwo qeyb ka ah qorshaha isku dayga qaarijinta jeneraalka.

-BBC Somali