Ciidamada XDS oo gacanta ku dhigay rag lagu tuhunsanyahay maleeshiyada Al-Shabaab

1324

Ciidamada xoogga  dalka Soomaaliya ayaa  howlgallo ballaaran ka sameeyeen deegaano hoostaga magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeeladda Hosse.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada sida gaarka u tababar ee Danab iyo kuwa Gorgor oo maalmo ka hor gaaray deegaanada Jilib Marko iyo Gandershe oo ka wadda tirsan Shabeeladda Hoose.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalladaasi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo lala xiriirinayo kooxda Al-Shabaab.

Gobolka Sh/ Hoose oo  ay weli ku dhuumaaleeysanayaan haraadiga maleeyshiyada Al-Shabaab ayaa waxaa ka socda dhaq dhaqaaqyo milatari  oo ciidanka xoogga dalka ay ka wadaan gobolkaasi.